Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guuldarro culus oo ku habsatay PSG


Kylian Mbappe
Kylian Mbappe

Kooxda Paris St Germain ayaa la kulantay xalay guuldarro culus, kaddib marki ay 5-1 kula jabtay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Lille.

Guuldarradaasi waxay PSG ka hor-istaagtay in ay u dabaaldagto hanashada horyaalka Faransiiska, iyadoo xilli ciyaareedka dhamaadkiisa ay ka hareen lix kulan.

PSG waxaa qeybti hore ee ciyaarta kaaska cas laga siiyay Juan Bernat waxyar kaddib marki uu dhaliyay gool.

Goolka hore ee Lille wuxuu ahaa mid uu iska dhaliyay Thomas Meunier, halka afarta kale ay kala qeybsadeen Nicolas Pepe, Jonathan Bamba, Gabriel Magalhaes iyo Jose Fonte.

Guuldarradaasi ayaa noqotay tii ugu cusleyd ee ku dhacda kooxda ka dhisan caasimadda Paris, tan iyo inti ay shirkadda Qatar Sports Investment ee dalka Qatar ay kooxda iibsatay sannadki 2011-ki.

PSG ayaase Arbacada u dabaaldagi karta hanshada horyaalka markeedii sideedaad, haddii ay ka badiso kooxda Nantes.

XS
SM
MD
LG