Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay oogayeen boqolaal dhalinyarada ku shaqeysta mooto bajaajta, kuwaas oo ka cabanaya dilalka ay ciidamada dowladda u geystaan dhalinyaradan oo soo kordhaya.
Kii u dambeeyey ayaa maanta dhacay, kaas oo ay ciidamadu ay u geysteen wiil bajaajle ah iyo abtigii oo mootada la saaraa.
Banaan baxyadan oo rabshado watay oo dhalinyarada dhigayay ay gubayeen taayaro ayaa waxey sidoo kale kaga cabanayeen – jidadja xiran oo caqbad ku ah shaqadooda iyo canshuuro aysan awoodin oo joogto oo looga qaado.
Wariyaha VOAda Xassan Kaafi Cabdriaxmaan Qoyste ayaa warbixintan nooga soo diray.