Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Libya: Ciidamada Haftar oo dib loo celiyey


Ciidamo daacad u ah Jeneral Khalif Haftar ayaa maanta dib looga soo riixay saldhig muhiim ah oo 30 KM u jira magaalada Tripoli, taasi oo dib u dhigeysa ku siqitaankooda deg degga ah ee magaalada caasimadda ah ee dalka Libya.

Maleeshiyo kasoo jeedda magaalo xeebeedka Zawiya ee galbeedka Tripoli ayaa dib u qabsaday saldhigga kadib markii rasaas kooban la is-weydaarsaday, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Maleeshiyadan ayaa ka mid ah tobaneeyo maleeshiyo oo ka jira dalka Libya, kuwaas oo dhashay markii NATO ay xukunka ka tuurtay madaxweyne Mucamar Qadafi.

Hafta, oo ah Jeneral gadooday, ayaa khamiistii ciidamadiisa ku amray inay u dhaqaaqaan oo ay qabsadaan magaalada Tripoli, taasi oo sii xumeysay dagaalka kala dhaxeeya dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ee dalkaas.

Isaga oo isku dayaya inuu hareereeyo caasimadda, ayaa Haftar iyo ciidankiisa waxay magaalada kaga soo siqeen dhinacyada koonfureed iyo galbeed, waxyana qabsadeen dhowr magaalo, ka hor inta aan lagu joojin magaalada Zawiya.

XS
SM
MD
LG