Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banka Dhexe ee Soomaaliya oo guddoomiye cusub loo magacaabay


Golaha Wasiirada
Golaha Wasiirada

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta guddoomiyaha banka dhexe u magacowday nin Soomaali ah oo lagu magowday Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa VOA u xaqiijiyay in golaha wasiiraddu ay maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen magacaabista Cabdiraxmaan Maxamed.

Guddoomiyaha cusub Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sida ku cad qoraal ka hadlaya taariikh nololeedkiisa, wuxuu khibrad u leeyahaya arrimaha maareynta dhaqaalaha iyo bangiyada, isagoo ka mid noqday shaqaahaha cashuuraha ee wasaaradda maaliyadda sannadkii 1986.

Cabdiraxmaan ayaa waxaa inta badan noloshiisa ku qaatay kana soo shaqeeyay dalalka Norway, UK, Yemen iyo bariga Africa.

Jagada guddoomiyaha baanka dhexe waxaa horey u ahaay Bashiir Ciise Cali ka hor intii aanu wakhtigiisu ka dhamaan sannadkii hore, waxaana dadka jagadaasi u tartamayay oo dalbaday ka mid ahaa nin u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo Nigel Roberts.

XS
SM
MD
LG