Booliska dalka New Zealand ayaa sheegay in ay 50 kiis oo dil ah kusoo oogi doonaan, ninki 50 qof oo Mulimiin ah ku laayey laba masaajid oo ku yaalla dalkaasi bishii tagtay.
Booliska waxay sheegeen in Brenton Harris Tarrant oo ah 28 jir, uu sidoo kale wajahi doono dacwado gaaraya 39 kiis oo ah isku day dil, marka Jimcaha berrrito ah uu kasoo hor-muuqdo maxkamadda sare ee magaalada Christchurch.
Tarrant ayaanan soo xaadiri doonin maxkamadda balse isaga oo ku jira xabsi aad loo ilaaliyo kasoo gali doono muuqaal toos ah oo dhinaca internetka ah.
Ninkani ayaa horay loogu soo oogay hal kiis oo dil ah marki ay boliisku xireen 15-ki bishii March, wax yar kaddib marki uu 49 ruux ku xasuuqay masaajiaddada Al-Noor iyo Linwood ee magaalada Chirstchurch.
Dilka dadkaasi cibaadeysanayay ayuu u adeegsaday hubka darandooriga u dhaca.
Afar maalin kaddib weerarkaasi ayay khudbad qiiro leh oo ay qarankeeda u jeedisay ra’isulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern waxay baarlamaanka u sheegtay kuna dhiirigelisay in aysan ku dhawaaqin magaca gacan-kudhiiglaha.