Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku jiro magaalada Muqdisho.
Shir jaraa’id oo goor dhow ay qabatay , taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Zakiya Xuseen, ayay ku sheegtay in gaari qarax laga soo buuxiyay oo Al-Shabaab soo diyaariyeen uu magaalada ku jiro.
Waxay warbaahinta u soo bandhigtay sawirka gaadiidka la tuhunsan yahay, kuna wargelisay shacabka.
Jen. Zakiya ayaa sheegtay in Ciidanka Booliska ay ku daba jiraan gaadiidkaas, waxayna ugu baaqday shacabka inay ka feejignaadaan gaadiidkaas qaraxa lagu soo diyaariyay.
Hadalka taliye ku xigeenka ayaa imanaya iyadoo maalmihii ugu danbeyay ay Muqdisho ka dhaceen qaraxyo xiriir ah oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.