Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta oo Drone ku weeraray Sacuudiga


Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay ka hor-tagtay laba diyaarad oo drone ah, kuwaas oo Xuutiyiinta Yemen ay kusoo weerareen, hase yeeshee shan qof, oo uu ku jiro canug, ay ku dhaawacmeen burburka diyaaradahaas.

Diyaaradahan ayaa beegsaday saldhigga ciidamada cirka Sacuudiga ee Khamis Mushait oo ku yaalla Koonfurta Galbeed ee dalkaas, sida uu Colonel Turki al-Maliki ku sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Abaare 9:35 PM habeenkii talaadada, habka difaaca hawada ee boqortooyada waxay ogaadeen laba walxood oo aan la aqoonsan oo kusoo wajahan goobo shacab, waa laga hor-tagay waana la burburiyey” ayuu yiri Cololnel Turki al-Maliki.

Mucaraadka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa marar badan gantaalada riddada dhexe ku riday Sacuudiga, waxayna sidoo kale sheegteen weeraro lagu qaaday garoomada diyaaradaha Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhammaan gantaalada ay qabteen habkooda difaaca gantaalaha, hase yeeshee qof rayid uu ku dhintay firirkooda. Imaaraadka way beeniyeen in wax gantaalo ah lagu soo weeraray.

XS
SM
MD
LG