Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shareecada Islaamka oo laga dhaqa-gelinayo Brunei


Sultan Hassanal Bolkiah
Sultan Hassanal Bolkiah

QM ayaa maanta cambaareysay sharciga Islaamiga ah ee ku dhaqankiisa uu toddobaadkan ka hir-galayo dalka Brunei, kaasi oo ay ku qeexday “mid arxan darro ah, oo ka baxsan bani’aadannimada.”

Sharcigan ayaa dil ku xukumaya dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, kuwa ku kaca zinada, iyo in gacanta laga gooyo qofkii xatooyo sameeya.

“Waxaan dowladda ka codsanayaa inay joojiso dhaqan-gelinta sharcigan, kaasi oo haddii la fuliyo, dib u dhac ku keeni doona ilaalinta xuquuqda aadanaha dadka Brunei.” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri madaxa Xuquuqda Aadanaha QM, Michelle Bachelet.

Brunei, oo ah boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayey Sultan Hassanal Bolkiah, ayaa sheegtay in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay dalkaas ka billaaban doonto maalinta arbacada ah.

Brunei, oo ku taalla Koonfur Bari Asia, ayaa markii ugu horreysay sharcigan ku dhowaaqday sanaddii 2013, hase yeeshee fulintiisa ayaa waxaa dib loo dhigay dhowr mar, kadib markii ay si aad ah u mucaaradeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Sharciga ayaa qoraya in xukun dil ah lagu fuliyo dadka gaysta ficillada ay ka midka yihiin kufsiga, zinada, galmada laga sameeyo wixii ka baxsan xubinta taranka ragga ama dumarka, dhaca, iyo aflgaadeynta nebi Muxamed nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Waxa uu sidoo kale sharciga qorayaa in la karbaasho dumarka iska rida ilmaha iyo in gacan laga gooyo dadka ku kaca xatooyada.

Sharciga ayaa dhinaca kale dhigaya dambi tahay in caruurta dalka Brunei lagu bar-baariyo diin aan ahayn tan islaamka.

XS
SM
MD
LG