Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay Muqdisho


Qaraxa Maka Al-Mukarama

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal la hadlay VOA-da, qaraxa ayaa ka dhashay gaari walxaha qarxa ay ka buuxaan oo la ag dhigay maqaayadda Bilsan oo ku taala jidka Maka-Al-Mukarama, inta u dhaxeysa isgoyska Dabka iyo Hotel Wehliye.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa maqaayadda ku sugnaa dad badan oo ka qadeynayay iyadoo wadaduna ay aad u mashquul badneyd.

Goobjooge ku sugnaa halkaas ayaa sheegay inuu arkay meydadka ilaa iyo lix qof oo horyaala maqaayadda.

Isbitalada iyo adeegga gurmadka deg degga ee Muqdisho ayaa iyana xaqiijiyay in ugu yaraan lix qof oo kale oo dhaawacyo ka soo gaaray qaraxa u dhintay.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa, waxaana la kala geeyay dhowr Isbitaal oo magaalada ku yaala.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG