Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gantaallo lagu weeraray Israel iyo jawaab ay bixisay


Kooxaha wax iska caabinta Falastiin ayaa xalay saddex gantaal ku weeraray Israel, taasi oo dhalisay in ciidamada Israel ay duqeymo ku jawaabaan, halisna gelisay xabad joojin ay ku dhowaaqday kooxda Xamas.

Isku dhacyadan ugu dambeeyey ayaa soo billowday Isniintii markii gantaal laga soo tuuray Gaza uu ku dhacay guri ku yaalla waqooyiga magaalada Tel Aviv, halkaasi oo toddoba qof ay ku dhaawacmeen.

Milatariga Israel ayaa ku jawaabay duqeymo ay ku weerareen Marinka Gaza, inkasta oo aan wax khasaare ah lasoo werin.

Xasiloonida ayaa dib usoo laabatay Talaadadii, markaasi oo Xamas ay sheegtay in la gaaray xabad-joojin ay dhex-dhexaadisay Masar, hase yeeshee xalay ayaa mar kale gantaallo laga soo tuuray Gaza ay ku dhaceen Israel.

Ayaga oo ka jawaabaya, ayaa milatariga Israel waxay Arbacada maanta ah soo saareen bayaan ay ku yiraahdeen “Diyaaradaha dagaalka ayaa weeraray dhowr bartilmaameed oo ku yaalla Koonfurta Gaza, oo ay ku jiraan dhisme ay Xamas leedahay iyo warshad hubka sameysa oo ku taalla Khan Yunis”

Xamas yaa sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn gantaalladii ugu dambeeyey, waxayna ku eedeysay kooxda ay xulufada yihiin ee Islamic Jihad iyo kooxo kale oo yar yar.

Rabshadahan cusub ayaa imanaya wax ka yar laba toddobaad un ka hor doorashada Israel oo dhaceysa 9-ka April, waxaana ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, oo wajahaya loolan adag, uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu bixiyo jawaab intan ka badan.

XS
SM
MD
LG