Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn loo geystay isbitaal ku yaalla Yemen


Wiil yar oo lagu dhaawacay duqeyn ka dhacday Yemen
Wiil yar oo lagu dhaawacay duqeyn ka dhacday Yemen

Ugu yaraan 7 qof oo ay afar ka mid ahi carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, kaddib marki uu gantaal ku habsaday isbitaal ay taageerto hey’adda Save the Children dhinaca oo ku yaalla waqooyigalbeed ee dalka Yemen.

Save the Children, waxay sheegtay in madfaca ku dhacay isbitaalka Kita see magaalada Sacda ay ku dhaawacmeen sideed kale oo isugu jiray bukaannada iyo howlwadeennada isbitaalka.

Madaxa hey’adda Save the Children, Carolyn Miles ayaa cambaareysay madfaca lagu dhiftay isbitaalka, waxay ku tilmaantay weerarkaasi mid jibinaya qaanuunka caalamiga ah.

Wali ma kala cadda cidda soo gantay madfacaasi, balse isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira jabhadda Xuutiga, ayaa horay u duqeeyay isbitaalo, iskuullo iyo xaafado ay daganyihiin dad rayid ah.

XS
SM
MD
LG