Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda Golan Heights


Somalia Coat of Arms
Somalia Coat of Arms

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay mowqifkeeda rasmi ah ee buuralayda Golan Heights uu yahay in dhulkaasi ay leedahay Syria, isla markaana ay si aan sharci ahayn ku haysato dawladda Israel.

Go’aankan ayaa lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrrimaha dibedda ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aan walba oo u aqoonsanaya buuralayada Golan Heights inuu yahay dhul ay leedahay Israel yahay mid baadil ah oo aan waafaqsanayn qaraarrada caalamiga ah ee beesha caalamka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay saxiixay go’aan uu ugu aqoonsanayo buuralayda Golan Heights inay tahay dhul ay leedahay Israel, go’aankaas ay oo ay kasoo horjeesteen waddamo badan oo muslim ah.

XS
SM
MD
LG