Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xildh. Saqar oo la Aasay


Magaalada Muqdishu waxaa maanta lagu aasay wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dawladda federaalka Saqar Ibraahim Cabdalla oo ka mid ahaa ilaa 15 qof oo ku dhintay weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadday dhismaha wasaaradaha Shaqada iyoArrimaha Bulshada iyo Hawlaha Guud. Madaxda dalwadda Soomaaliya ayaa cambaareeyey weerarkaas. Warbixintan waxaa inoo soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa wajahayo Xaalad adag oo xagga amniga ah, wakhti Al-Shabaab ay sii waddo qaraxyayada ay ka gaysanayso magaalada. Dhowr qarax oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa waxyeelo ay kasoo gaartey masuuliyiin iyo dad shacab ah ahba. Mid ka mid ah qaraxyadasi waxaa ku dhintey wasiir kuxigeen wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Saqar Ibraahim Cabdalla. Haddaba, Waa side dareenka dadka shacabka ah ee Muqdisho xilligan? Sahra Cabdi Axmed ayaa dhinacyo badan la xariirtey warbixintan nooga diyaarisey.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa weerarkii shalay kadib waxa uu kulan la yeeshay taliyayaasha ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM iyo diblomaasiyiin shisheeye ah. Ujeeddada kulankaas waxaa saxaafadda uga warramay Taliyaha ciidamada Soomaaliya Jeneraal Daahir Adan Cilmi Indhoqarsho.

Dhageyso Xaaladda Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:08 0:00

XS
SM
MD
LG