Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weeraro kala Duwan oo Muqdisho ka Dhacay


Ugu yaraan 10 qof oo shan ka mid ah ay yihiin maleeshiyaddii al-shabab ee weerarka geysatay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu qaaday xarumo wasaaradeed.

Weerarkan oo uu ururka al-shabab sheegtay ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay dhismaha xarunta.

Ciidamada Amaanka ayaa la sheegay inay toogteen raggii weerarka geystay, waxaana intii uu weerarka socday ku geeriyooday wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Saqar Ibraahim Cabdala, sida ay xaqiijiyeen ms’uuliyiin ka tirsan wasaaradda iyo baarlamanka.

Xarunta ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda.

Marka laga soo tago qaraxyadan iyo werarka ka dhacay degmada Shangaani, waxaa iyaguna jira qaraxyo kale oo laga soo wariyay meelo kale oo magaalada Muqdisho ah.

Qarax ayaa ka dhacay, inta u dhaxeysa isgooyska Ex-control Afgooye iyo deegaanka Xoosh. Qaraxaas ayaa ahaa gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo miino loo maleynayo nooca meelaha fogfog laga hago lala beegsaday. Goob joogayaal ayaa u sheegay VOAda in afar askari ay ku dhinteen Qaraxaas.

Waxaa kaloo qarax kale lala beegsaday bar- control oo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen jidka warashadaha, halkaasna waxaa ku dhaawacmay laba askari.

Waxaa qarax kale uu ka dhacay, Jidka Wadnaha, halkaas oo arday, dad kale oo jidka dhinaciisa ku sugeysay gaadiidka dadweynaha, iyo shaqaale ka shaqeynayay goob wax lagu alxamo oo halkaa ka agdhaweyd ay wax yeelo ka soo gaartay.

Dhageyso Weerarada Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:18:27 0:00

XS
SM
MD
LG