Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Askar Mareykan ah oo howl-gal lagu diley


Laba ka tirsan ciidamada Mareeykanka ayaa lagu dilay maanta oo Jimca ah dalka Afganistaan xilli ay hawlgal ku jireen.

Mareeykanka iyo xoogagga uu horseedka ka yahay ee NATO ayaan bixin fahfaahin intaasi dheer.

Ciidamo Mareeykan ah oo tiradoodu gareeyso 14,000 ayaa baaqi ku ah dalka Afgansitaan, kuwaasoo ka qayb ah hawlgal tababaro iyo taageeraba loogu fidinayo ciidamada Afganistaan.

Mareykanka iyo Taliban ayaa waxa hore ugu socdey wada-hadallo nabdeed oo la doonaayo in lagu dhammeeyo dagaalka 18 sano jirsaday ee dalka Afgaanistaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG