Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heritage oo qiimeyn ku sameysay dowladda Farmaajo


Farmaajo
Farmaajo

Machadka Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo wixii u qabsoomay iyo wixii ka qaldamay dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu eegay guud ahaan labadii sanadood ee uu xukunka hayay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la doortay 8-dii bishii Feberaayo ee sanadkii 2017-kii, isagoo ololihiisii iyo khudbadiisii doorashadiisa ka dibna balan qaaday inuu isbedel weyn sameyn doono.

Heritage ayaa sheegtay inay warbixinteeda ku jaan goosay, wixii ay dowladdu sheegtay inay qabaneyso iyo waxa ilaa iyo hadda ka hirgalay.

Warbixinta Heritage oo kooban iyo wareysi uu la yeeshay agaasimaha Heritage Cabdirashiid Khaliif, waxaa inoo haya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Heritage oo qiimeyn ku sameysay dowladda Farmaajo
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:07 0:00

XS
SM
MD
LG