Qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta ka baxay saldhigyadooda.
Ciidamada ayaa sida ay sheegeen ka gadoodsan in muddo dhowr bil ah aysan qaadan wax mushahar ah.
Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale ciidamo kale ay toddobaadkan ka baxeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaga oo sidoo kale ka cabanaya mushahar la’aan.
Si kastaba, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay shalay inaysan jirin ciidan diiwaan-gashan oo mushahar aan ka qaadan dowladda, ciidanka gadoodsan ay yihiin kuwa aan diiwaan-gashneyn oo laga shaqeynayo sidii loo diiwaan gelin lahaa.
Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Beledweyne.