Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sababta weerarkii Utrecht oo weli la baarayo


Mas’uuliyiinta dalka Netherlands ayaa weli isku dayaya inay go’aamiyaan sababta ka dambeysay toogasho shalay ka dhacday meel tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada Utrecht.

Toogashadaas ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, ayada oo shan kale ay ku dhaawacmeen.

Saacado kadib toogashada ayaa boolisku waxa ay xireen 37 jir u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Gokmen Tanis.

Ra’iisul wasaraaha Netherlands, Mark Rutte ayaa sheegay inaan meesha laga saari karin in weerarku ahaa “fal argagixiso”, halka wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ay werisay in qoyska Tanis ee dalka Turkiga ay sheegeen in toogashada laga yaabo inay ka dhalatay muran qoys.

Dacwad ooge Dutch ah ayaa sheegay in eedeysanaha horey loogu xiray dalka Netherlands, hase yeeshee ma uusan bixin wax faah-faahin ah.

Waxaa aad loo adkeeyey amniga garoomada diyaaradaha iyo masaajiddada dalka Netherlands. Iskulladda magaalada Utrecht ayaa sidoo kale la xiray, waxaana dadka lagu waaniyey inay guryahooda ku nagaadaan.

Utrecht waa magaalada afaraad ee ugu weyn dalka Netherlands, waxaana ay can ku tahay kanaalada biyaha iyo arday tiro badan. Rabshadaha hubka ayaa ah kuwa naadir ka ah Utrecht, iyo sidoo kale guud ahaan Netherlands.

XS
SM
MD
LG