Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xeerarka hubka New Zealand oo la beddelayo


Ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa maanta sheegtay in golaheeda wasiirada ay go’aan ka gaareen is-beddelo lagu sameynayo xeerarka hubka dalkaas, kadib xasuuqii Jimcihii ka dhacay laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch.

“Waxaan faah-faahin ku saabsan go’aannada siin doonnaa warbaahinta iyo shacabka ka hor kulanka xiga ee golaha wasiirada ee Isniinta soo aadan” ayay tiri Jacinda Ardern.

“Tani waxay ugu dambeyn la macno tahay in toban maalmood gudahood kadib ficilkii argagixiso aanu ku dhowaaqi doonno is-beddelada, aan aaminsannahay, in bulshadeena ay ka dhigi doonaan kuwa amni dareema” ayey tiri.

Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dhammaan meydadka 50-ka qof ee lagu dilay masjidka lagu wareejin doono qoysaskooda, ugu dambeyn maalinta arbacada, si loogu aaso si waafaqsan shareecada Islaamka.

Madaxa baarista dambiya dil ee dalkaas, Deborah Marshall ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqeynayo in meydka kasta lagu wareejiyo qoyskiisa saxda ah.

“Ma jirto wax ku xun in meyadka la isku qaldo, oo meyd lagu wareejiyo qoys aan kiisa dhabta ahayn” ayay tiri.

XS
SM
MD
LG