Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo xaqiijiyey weerarkii Daarasalaam


Shabaab
Shabaab

Ciidamada milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyey in xalay ay duqyan ka gaysteen degaanka Daarasalaam ee u dhow magaalada Awdheegle, iyaga oo gacan siinayey cidiamada Soomaalida oo ay soo weerareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Maraykanku faah-faahin kama bixin khasaaraha ay duqyantaasi gaysatay, hase yeeshee waxay sheegeen in dhammaan askartii Maraykanka oo taageerayey kuwa Soomaalida ay soo wada laabteen iyaga oo bad qaba.

Al-Shabab ayaa sheegatay inay dishay askari Maraykan ah, isla markaana ay iska caabisay weerar uga yimid ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah.

XS
SM
MD
LG