Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah uu magaalada Kismaayo ku daah furo mashruuc ku kacaya 83 milyan oo Euro.
Mashruucan ayaa loogu talo galay in lagu kaalmeeyo mashaariicda horumarinta ee gobollada dalka oo dhan.
Aaden Ibrahim Aw-Xirsi (Cirro) oo ah wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee maamulka Jubaland ayaa Caasho Ibrahim uga warramay mashruucan iyo meelaha uu sida gaarka ah ugu wajahan yahay.