Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Sh/Dhexe


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in howlgal isugu jira duqeyn iyo weerar toos ah lagu qaaday deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolkaas.

Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in bartimaaledka duqeynta uu ahaa dhismooyin ay degenaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, xafiisyo iyo xaruumo garsoor iyo kuwa tababar.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare xoog leh oo soo gaaray malayshiyaadka Al-Shabaab, waxaana la sheegay ciidamada howlgalka fuliyay in ay isugu jireen Soomaali iyo ciidamo Mareykan ah inkastoo aan wali la xaqiijin

Masuul magaciisa ka gaabsaday oo ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in ugu yaraan 8 ka tirsan Malayshiyada Al-Shabab howlgalka lagu dilay. Sidoo kale laba qof oo shacab ah ayaa weerarka ku dhintay, 4 kalana dhaawac ayaa soo gaaray.

Saraakiisha Al-Shabaab ee weerarka ku dhintay ayuu masuulka Hirshabelle ka tirsan uu ku sheegay in ay gaarayaan ilaa 3 xubnood, oo ay ku jiraan madaxii dacwada Degaanka Gambole iyo ku xigeenka madaxada guud ee maaliyada Al-Shabaab.

Deegaanka Gamboole ayaa ah saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG