Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suldaan lagu dhex-dilay masjid ku yaalla Boosaaso


Boosaaso, Bossaso
Boosaaso, Bossaso

Nin hubeysan ayaa maanta masaajidka Mubarak ee magaalada Boosaaso ku dhex dilay Suldan Bashiir Muuse Konte oo ka mid ahaa isimidda caanka ah ee Puntland.

Dad goobjoog ah ayaa VOA-da u sheegay in Suldaanka oo fadhiyay safka labaad ee masaajidka, isla markaana aqrisanayay qur’aan uu nin bistoolad ku hubeysnaa madaxa hal xabad kaga dhuftay kaddibna uu goobta ku dhintay.

Xilliga uu dilka dhacay oo ahayd abaaro 12-kii duhurnimo ayay jamaacada masaajidka isu diyaarinaysay dhageysiga khudbada ka horreysa salaadda Jimcaha ee maanta.

Ninka dilka geystay ayaa markiiba bam gacmeed ku tuuray ilaalo bannaanka ku sugneyd oo isku dayday in ay qabtaan, kaddibna orod kaga baxsaday goobta.

Ma jirin cid wax ku noqotay bamka uu tuuray. Ciidamada amniga Boosaaso ayaa sheegay in ay ku raad joogaan qofka dilay suldaanka.

XS
SM
MD
LG