Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax dhowr qof ay ku dhinteen


Qarax
Qarax

Shan qof ayaa lagu dilay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo ka dhacay meel u dhow maqaayad ku taalla magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadad qaraxa.

Ibraahim Axmed, oo ah sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya, ayaa AFP u sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga buuxiyey kadibna looga tagay meel ku dhow maqaayadda.

Maqaayadda uu qaraxa ka dhacay ayaa ku taalla meel amniga laga maamulo oo u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhaxeysa Xaawo Taako iyo Tiyaatarka Qaranka.

Dhowr baabuur iyo dhismooyin ka ag dhowaa goobta qaraxa, ayaa iyagana burburay.

Qaraxa ayaa yimid toddobaad un kadib markii qarax ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho iyo weerar xigay ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, ayada oo ku dhowaad 140 kale ay ku dhaawacmeen.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Saynab Abuukar.

Qarax ka dhacay Muqdisho.
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:36 0:00

XS
SM
MD
LG