Bannaanbaxyo cusub oo ka dhan ah madaxweynaha dalka Algeria ayaa maanta ka billowday magaalada Algeris ee caasimadda waddankaasi.
Dibadbaxyada ayaa waxaa looga soo horjeedaa in madaxweyne Abdelaziz Bouteflika uu xilka isu soo taago markiisii shanaad, xilli caawa saqda dhexe ay ku egtahay is-diiwaangelinta musharraxiinta doorashada dalkaasi ka dhici doonto bisha April.
Wakaaladda wararka AFP ayaa ku soo warrantay in tobnaan arday oo ku qeylinayay “Bax Bouteflika” ay isugu soo baxeen bartamaha magaalada. Ciidanka booliska ayaa xiray faras-magaalada caasimadda Algiers. Dibadbaxyada ayaa waxaa sidoo kale laga soo sheegay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Algeria.
Ku-dhawaaqisti uu bishii Febraayo ku dhawaaqay madaxweyne Abdulaziz Bouteflika inuu rabo inuu markiisii shanaad xafiiska qabto ayaa caro xooggan ka dhalisay waddankaasi dhaca waqooyiga Afrika.
Madaxweyne Bouteflika ayaa ah 82 jir lagu riixo kursiga cuuryaanka. Dhif iyo nadir ayay aheyd in goobaha dadweynaha lagu arko tan iyo sannadki 2013-kii sababo la xiriira caafimaadkiisa.