Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al Bashir oo ka dagay xilka gudoomiyaha xisbiga NCP


Al Bashir
Al Bashir

Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir ayaa ka dagey xilka gudoomiyenimo ee xisbiga NCP ee talada dalkaasi haya isagoo hogaaminta xisbiga ku wareejiey Ahmed Harun oo ahaa gudoomiye ku xigeenkiisii.

Xisbiga qaranka ee dalka Sudan ayaa ku dhawaaqey xilli dambe khamiistii ah inuu Albashir uu iska casiley xilka gudoomiyaha xisbiga taasoo imaaneysa iyadoo bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo madaxweynaha ay ka dhaceen dalkaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay xisbiga qaranka ee NCP ayaa lagu sheegey in gudoomiyaha xisbiga lagu dooran doono shir weynaha guud ee soo socda oo xisbiga uu yeelanayo, lama sheegin tariikhda la qaban doono shirkaasi.

Madaxweynaha dalka Sudan Omar Al Bashir ayaa dhawaan ku dhawaaqey xaalad deg deg ah oo guud ahaan dalkaasi uu kusoo rogey kadib marki ay dhaceen dibad baxyo looga soo horjeedo xukunkiisa.

Madaxweyne Al Bashir ayaa dhisey maxamado deg deg ah oo loogu talagaley iney la xaalaan rabshadaha inta lagu jiro xaaladda deg degga ah.

Maxkamadaha xaaladda deg dega ah ee dalkaasi ayaa khamiistii xukunno xabsi ah ku ridey sideed qof oo dibad baxayaasha kamid ah oo lagu xukumey sided bilood ilaa shan sano.

Dibad baxyada ayaa ku billowdey caro ka dhalatey qiima kororka rootiga laakiin markii dambe waxuu isu badaley mid lagu dalbanayo in Al Bashir uu xukunka ka dago.

XS
SM
MD
LG