Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerarkii Muqdisho oo lasoo afjaray


Qarax

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo afjaray weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab sheegatay oo ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdihso.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in weerarka ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay 88.

Weerarradan ayaa iskugu jiray qaraxyo iyo maleeshiyo gashay dhisme ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama.

Dhinaca kale, afaafka hore ee dhismayaasha qaraxa uu saameeyay waxaa ka muuqda bur bur xooggan, gaadiid goobta yaalla oo dadkii watay ay qaarkood yaalaan Isbitaalada Muqdisho, waxaana laamiga ku arkeysaa dhiig daadsan.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:33 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG