Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liverpool oo qabatay hogaanka


Salah
Salah

Kooxda Liverpool ayaa kali ku noqotay qeybta ugu sarreysa horyaalka Ingiriiska ee Premier League kaddib mari ay barbarro 0-0 ah iskula agdhaceen kooxda ay sida aadka ah u xafiiltamaan ee Manchester United.

qeytbti hore gaar ahaan 25-ki daqiiqo ee ugu horreeyay Manchester waxaa hareeyay dhaawacyo, kaddib marki garoonka ay dhaawac uga baxeen Harera, Mata iyo Lingard, taasoo ku qasabtay macali Ole Gunner inuu ka dhamaado saddexdi baddal ee uu xaqqa u lahaa.

Liverpool waxaa isna ka dhaawacmay weeraryahankooda Firmino oo ciyaarta laga saaray qeybti hore. Liverpool waxay hadda hal dhibic ka sara martay kooxda Manchester City oo uu hal kulan u dhimanyahay, haddii ay badisana dib ugu soo laaban karta hogaanka.

Dhanka kale Arsenal ayaa kusoo laabatay kaalinta afraad marki ay galabta 2-0 ku dubatay Southampton, waxaa goolasha u kala dhaliyay Alexandre Lacazette iyo Henrikh Mkhitaryan.

Manchester United waxay u dhacday kaalinta shanaad, halka Tottenham ay wali ku jirto kaalinta saddexaad inkastoo Sabtidii laga badiya.

XS
SM
MD
LG