Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab iyo Daacish oo ku dagaallamay gobolka Bari


Warka ka imaanaya deegaanka Dhaadaar ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka waaberigii uu dagaal ku dhex maray tuulada Afgaraar maleeshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen.

Subaxnimadii hore ee Jimcaha ayaa lagu soo waramayaa in dhinacyada halkaas ku dagaalamayay ay jareen isgaarsiinta deegaannadaas, balse dadka ku nool deegaamada ka durugsan goobaha uu dagaal ka socda ayaa sheegaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hugunka qoryaha garbaha laga tuuro oo ay dhinacyadu is-weydaarsanayeen.

Halka ay ku dagaalamayaan labada kooxood ayaa ah dhul buuralley ah oo dhinaca bari ka xigta magaalada Boosaaso qiyaastii 80 km. Mana jirto illaa iyo hadda cid si rasmi ah u sheegi karta khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Waa markii saddexaad ee uu dagaal ku dhex maro agagaarka deegaanka Dhaadaar labada dhinac ee Daacish iyo Al-Shabaab. Maamulka Puntland ayaan wali dagaalkaasi ka hadlin.

XS
SM
MD
LG