Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fifa oo ganaaxday Chelsea


Chelsea
Chelsea

Xiriirka kubadda cagta dunida ee Fifa ayaa maanta ku dhawaaqay in kooxda Chelsea aysan wax ciyaartooy ah soo iibsan karin labada xilli ciyaareed ee soo socda.

Arrintan waxay ka danbeysay kaddib marki lagu helay danbi ah in Chelsea ay soo iibsatay ciyaar caalami ah oo da’doodu ay ka yartahay 18 sano, taasoo ka horimanaysa xeerarka dhinaca ciyaartooy gadashada ee Fifa.

Sidoo kale Chelsea waxaa lagu ganaaxay lacag ka badan shan boqol oo kun oo dollar. Hase yeeshee ganaaxan kama hor istaagayo kooxda dumarka ee Chelsea in ay ciyaartooy soo iibsadaan, sidoo kale Chelsea uma diidayo ganaaxa in ay iska iibiso ciyaartooy.

Waxaa lagu wadaa in Chelsea oo ah kooxda ka dhisan magaalada London ay ganaaxani ka qaadan doonto racfaan.

XS
SM
MD
LG