Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maalinta Afka Hooyo oo Laga Xusey Soomaaliya


Maanta oo kale, 21-ka bisha February, sanad walba dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee afka hooyo. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 43% luuqado lagu qiyaaso illlaa iyo 6 kun oo dunida looga hadlo ayaa halis ku jira, waayo dhowr boqol oo luuqadood oo kaliya ayaa fursad u helay inay ka mid noqdaan hannaanka waxbarasho ee dadweynaha.

Wax ka yar boqol luuqadood ayaa loo adeegsadaa erey bixinta farsamooyinka casriga ah. Afka Soomaaliga ayaa la sheegaa inuu ka mid yahay afafka halista ku jira. Magaalada Muqdisho ayaa ka mid aheyd meelaha maanta laga xusay maalinta Afka hooyo.

Jaamac Buule Jaamac ayaa arrintan ka wareystay Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah agaasimaha Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ee Soomaaliya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:00 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG