Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Atletico Madrid oo garaacday Juventus


 Atletico Madrid
Atletico Madrid

Kooxda Atletico Madrid ayaa hal lug la gashay wareega sideeda koox ee koobka Champions League kaddib marki ay xalay 2-0 ku garaacday kooxda Juventus.

Ciyaartaan oo ka tirsaneyd wareega 16-ka ee Tartanka Naadiyada Horyaalada Yurub ayaa waxa ay ka dhacday garoonka Wanda Metropolitano ee magaalada Madrid kaasoo ah garoonka martigelin doono finalka tartankan ee bisha June.

Labada gool ee ay Athletico ku dubatay Juve waxaa saxiixay daafacyada u dhashay dalka Uruguay ee kala ah Jose Gimenez iyo Diego Godin daqiiqadihii 78-aad iyo 83-aad.

Is araga labaad wuxuu 12-ka bisha March ee soo socta ka dhici doonaa guriga kooxda Juventus ee magaalada Turin ee dalka Talaaniga.

XS
SM
MD
LG