Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man City oo maquunisay Schalke


Leroy Sane
Leroy Sane

Gool uu daqiiqadi ugu danbeysay ciyaarta u saxiixay Raheem Sterlin ayay Manchester City uga badisay xalay kooxda Schalke oo ay ku dubatay 3-2, ciyaar ka tirsaneyd wareega 16-ka ee tartanka Yurub.

Ciyarta oo ka dhacday garoonka kooxda Schalke ee dalka Jarmalka, waxaa hogaankeeda ku hormartay kooxda City kaddib marki uu daqiiqadii 18-aad uu gool u dhaliyay Aguero, hase yeeshee laba rigoore oo uu Schalke u saxiixay Nabil Betaleb ayay kooxda reer Jarmalka hogaanka ciyaarta ku qabatay.

City isma dhiibin, waxaana iyada oo ku ciyaareysay 10 laacib ka gadaal marki kaarka cas la siiyay difaacooda Othamendi ay keeneen laba gool dhamaadki ciyaarta.

Goolka barbaraha waxaa dhaliyay Sane oo horay ugu soo ciyaarya Schale, halka kii guushana uu kusoo xiray Sterlin.

Is araga labaad waxaa ee labadan koox ayaa ka dhici doona dalka England 12-ka bsiha soo socoto.

XS
SM
MD
LG