Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar rasmi ah ku tagay magaalada Addis ee Itoobiya.
Safarka madaxweyne Biixi ee Itoobiya oo ah kii u horreeyay ee intii uu talada qabtay Ra’iisal-Wasaaraha dalkaasi Aby Axmed, ayaa ka hor intii aanu Hargeysa ka ambabixin weftigiisu, waxa wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) uu sheegey in uu madaxweynuhu kaliya la kulmi doono madaxda Itoobiya.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.