Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo Burundi kula kulmay dhiggiisa dalkaasi


War saxaafdeed wadajir ah oo ay soo saareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi ayaa faahfaahin laga bixiyay booqashadii rasmiga ahayd ee madaxweynaha Somaaliya uu ku tagay Burunid, isaga oo marti qaad ka helay madaxweynaha Burundi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ka hor kulanka labada madaxweyne ay kulmeen wasiirada gaashaandhiga ee labada dal.

Madaxweynayaasha Somaaliya iyo Burundi - Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Pierre Nkurunziza ayaa isla gartay in la dardargaliyo dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab, iyada oo isla markaana la xoojinayo tayada ciidamada Somalia si ay ammaanka dalka ula wareegaan mustaqbalka.

Labada madaxweyne ayaa ugu baaqay Ururka Midawga Afrika in la sii wado taageerada iyo qaabaynta howlgalka AMISOM.

Labada madaxweyne ee Burundi iyo Somaaliya ayaa wadajir ugu baaqay shir-madaxeed degdeg ah oo ay isugu imanayaan madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia ee qaybta ka ah holwgalka AMISOM.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay booqasho ku tagay dalka Burundi oo la filayo inay bishan dhammaadkeeda Soomaaliya kala baxayaan 1,000 askari. Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa iyagu ka digay in ciidamada ay ka baxaan mahaalooyinka Cadalle, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali.

XS
SM
MD
LG