Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Ganacsato ku hanjabtay joojinta qaadka


Ganacsatada Soomaalida ee qaadka ka keenta Kenya ayaa ku hanjabay inay jooojin doonaan soo dejinta qaadka laga bilaabo maanta.

Ganacsatada oo ka hadlayey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho maanta ayaa sheegay in hadalkoodu uu jawaab u yahay hadal ay sheegeen in laga soo xigtay beeralayda qaadka ee dalka Kenya, kaas oo ahaa inay joojinayaan qaadka ay Soomaaliya u diraan, sababo la xiriira muranka soo kala dhex galay labada dal.

Dawladda Soomaaliya ayaan iyadu wax tallaabo ah weli qaadin.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iydoo labada dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka dhaxayso xiisad diblomaaisyadeed.

Ka dhageyso qeybta hoose Qoobe Maxamuud Qayliye, oo madax u ah guddi ay leeyihiin qaar ka tirsan ganacsatada qaadka ee Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:07 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG