Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman (MBS) ayaa la beeniyay in uu doonaayo in uu iibsado naadiga kubadda cagta ee Manchester United.
Wasiirka warbaahinta u qaabilsan Sacuudiga Turki al-Shabanah ayaa sheegey ineysan jirin wararka sheegaya in Maxamed Bin Salman uu kula wareegayo naadiga Manchester United lacag gaareysa £3.8bn, sida ay BBC-du qortay.
Waxa jirey warar la isla dhex marayo oo sheegaya in xiisaha Maxamed Bin Salmaan ee United uu kordhay waayadan, balse milkiilayaasha kooxda oo Mareykanka u dhashay ayaanan dooneyn inay iibiyaan naadiga.
Glazers , ayaa Manchester ku iibsaday £790m May 2005.