Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doodda ka Dhex Jirta Somalia iyo Kenya


Danjiraha Soomaaliya u joogay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdishu kadib markii dawladda Kenya ku amartay inuu dalka kabaxo maalintii shalay.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay inay la laabanayso safiirkeedii joogay Soomaaliya Lucas Tumbo. Kenya waxay tallaabadan sabab uga dhigtay dawladda Soomaaliya oo ay ku eedaysay inay xaraashtay goobo shiidaal oo ku yaalla biyaha ay isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee The Hague.

Dawladda Soomaaliya ayaan iyadu weli rasmi ahyaan uga jawaabin tallaabada ay Kenya qaadday.

Dhageyso aragtida qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Somalia iyo W. Bari Kenya ay ka qabaan talaabada Kenya ee eryidda danjiraha Somalia ee Nairobi. Ka dibna dhageyso wareysi ku saabsan ismaan dhaafka labada waddan.

Warbixinta Kenya
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:03 0:00

XS
SM
MD
LG