Isku xirrada

War Deg-Deg ah

PSG oo Guul-darro biddey Manchester United


Naadiga PSG ee dalka Faransiiska ayaa laba gool iyo waxba kaga adkaaday naadiga Manchester United lugta koowaad kulan ka tirsan wareegga 16-aad ee Champions Leauge.

Ciyaarta oo ka dhacdey gegida Old Trafford, ayaa waxa labada gool u saxiixay PSG ciyaaryahannada Presnel Kimpembe iyo Kylian Mbappe oo kala dhaliyay daqiiqadihii 53-aad iyo 60-aad.

Waa guushii ugu horreysay ee United soo gaarto tan iyo markii macalin Ole Gunnar Solskjaer xilkaasi loo magacaabay.

Dhanka kale, naadiga Roma ayaa 2-1 kaga adkaaday naadiga FC Porto oo ay marti gelisay.

Maanta waxa la ciyaari doona laba kulan kale. Ajax ayaa marti gelin doonta naadiga Real Madrid, halka Tottenham Hotspur iyo Borussia Dortmund ay foodda is dari doonaan.

XS
SM
MD
LG