Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Sarkaal boolis ah oo qarax lagu diley


Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska ayaa ku dhintay qarax lagu xirey mid ka mid ah gaadiidka ciidamada booliska ee magaalada Muqdisho maanta.

Sarkaalka dhintay ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Dheere sida ay VOA u sheegen ilo dhinaca ammaanka ah.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Saybiyaano ee isla degmada Hodon. Qaraxa ka dib, ciidanka ayaa gaaray goobta qarxa uu ka dhacay.

Xasan Dheere ayaa la sheegey in uu ka howl-gali jirey saldhigga ciidamada booliska ee degmada Hodan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG