Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo caawa taageerayaashiisa kula hadli doona El Paso


Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada El Paso ee gobolka Texas, oo ah magaalo ku taalla xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico, halkaas oo uu caawa kula hadli doono qaar ka mid ah taageerayaashiisa.

Isu-soobaxa uu Trump ku qaban doono caawa marinka El Paso ayaa waxaa uu diiradda ku saari doono dalabkiisa ku aaddan darbiga uu rabo in uu ka dhiso xadduudka koofureed ee Mareykanka, si looga hortago muhaajiriinta Mareykanka kaga soo tallaaba dhinaca Mexico.

Dhanka kale Beto O'Rourke oo Koongareeska Mareykanka kasoo gali jiray magaalada El Paso, kana mid ah dadka loo maleynayo in ay u ordaan musharaxnimada xilka madaxweynaha ee xibsiga Dimoqraaddiga, ayaa lagu wadaa inuu hoggaamiyo bannaanbax ka dhan ah isu soo baxa madaxweyne Trump ee El Paso.

Booqashada Trump ee xadka ayaa imanaysa xilli Jimcaha soo socda uu ku egyahay muddada uu madaxweynaha u qabtay in Koongareeska uu xal uga gaaro dalabkiisa dhismaha darbiga, si looga hor tago in mar kale ay istaagan qeyb ka mid ah howlihi shaqo ee dowladda.

XS
SM
MD
LG