Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Filin Gabar Soomaaliyeed laga Sameeyey oo Washington lagu Daawadey


Ifrah Ahmed
Ifrah Ahmed

Shaley waxa ay ahayd maalinti ay dunidu u asteeysay la dagaalanka gudniinka haweenka. Xaflado iyo shirar wacyigelin iyo xogwareysi leh ayaana dunida dacaladiisa ka kala dhacayey.

Magaalada Washington ee caasimada Mareykankana waxyaabihi lagu soo bandhigey waxaa ka mid ahaa film laga sameeyey qiso dhab ah oo gudniinka ku saabsan oo ku dhacdey Ifrah Ahmed, kaas oo loogu magaca daray, A Girl from Moqadisho, “Gabar Muqdisho ka timid”.

Film-kan oo loogu talagaley dadyowga aan aqoonta fiican u lahayn gudniinka haweenka, qaasatan nooca fircooniga ayaa waxa daawashadiisi ka qaybgaley Jaamac Buulle Jaamac, warbixintana inooga diyaariyey.

GABAR MUQADISHO KA TIMID
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:59 0:00

XS
SM
MD
LG