Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New England oo ku guuleysatay Super Bowl


Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyay tartanka ugu xiisaha badan dalkaan Mareykanka ee loo yaqaano American Football Leage oo ah kubad gacanta lagu ciyaaro oo ay ciyaartooyduna kusoo bandhigaan ciyaar ku dhisan awood, orod iyo is-difaacid aanan caadi aheyn.

Ciyaarti kama danbeysta ee loo yaqaano Super Bowl-ka ayaa waxaa xalay isaga hor yimid garoonka Mercedes Ben Stadium ee magaalada Atalanta ee gobolka Goergia, kooxaha New England Patriots iyo Los Angeles Rasm.

Guusha Suber Bowl-ka ee xalayna waxay raacday kooxda New England Patriots oo Los Angeles Rasm ku garaacday 13 iyo 3.

Kumanaan ruux ayaa garoonka ku daawanayay ciyaarta halka in ka badan 100 milyan oo ruuxna ay ka daawadeen shaashadaha dalkaan Mareykanka .

Ciyaarti xalay ayaa labada kooxba waxay soo bandhigeen difaac adag waxaana taasi ay keentay in Super Bowl-ki sannadkaan uu noqdo kii ugu goolasha yaraa abid, wuxuu ka hoos maray kii sannadki 1973-ki ay kooxda Miami 14-7 gool uga badisay kooxda Washington.

Guusha kooxda New England Patriots ayaa uga dhigan in ay barbareysay kooxda Pittsburgh Steelers oo horay ugu guuleystay lix Super Bowl.

Sidoo kale laacibka kooxda Patriots Tom Brady ayaa noqday ciyaaryahanki ugu horreeyay ee lix jeer ku guuleysta koobka Super Bowl-ka.

XS
SM
MD
LG