Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax 9 qof ay ku dhinteen oo Muqdisho ka dhacay


Qarax Muqdisho Mall

Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 7 kalana ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay wadada hormarta suuqa Muqdisho Mall ee degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dadka qaraxa ku dhintay ka mid ah Colonel Cabbdinuur Axmed Kadiye oo ka tirsanaa ciidanka militariga Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amniga ah oo la hadlay VOA.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa baabuur walxaha qarxo laga soo buuxiyay oo lagu baarkimay agagaarka Muqdisho Mall iyo Baar Italia ee degmada Xamar weyne, gaar ahaan halkii la oran jiray Kureejo del Sud oo ku dhow xarunta dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.

Burbur xoogan ayaa soo gaaray dhismaha Suuqa Muqdisho Mall iyo dhismooyinka kale ee u dhaw dhaw, sida uu kusoo warramay wariyaheena Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana laga cabsi qabaa in ay kororto khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Cabdulqaadir OK ayaa warkan kasoo diray Muqdisho.

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:07 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG