Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wada-hadallada Mareykanka iyo K/Waqooyi oo horumar kooban un sameeyey


Dowladda Mareykanka ayaa horumar kooban oo kaliya ka sameysay wada-hadallada Nuclear-ka ee Korea-da Waqooyi, waxaaa sidaas qirtay ergeyga gaarka ah ee Washington u qaabilsan Korea-da Waqooyi, Stephen Biegun.

“Inkasta oo aan jeclaan lahayn inaan joogno meel ka fog halka aan hadda taagannahay, waxaan sameynay xoogaa horumar ah lixdii bil ee tegay, ayada oo rajadu ay tahay in wax intaas ka ballaaran ay iman doonaan.” Ayuu Biegun ku yiri khudbad uu ka jeediyey jaamacadda Stanford.

Hadalladiisa ayaa yimid toddobaadyo ka hor kulan madaxeedka labaad ee aadka loo sugayo ee madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Korea-da Woqooyi Kim Jong Un.

Trump ayaa khamiistii sheegay in goobta iyo waqtiga kulanka labaad shaaca laga qaadi doono horaanta toddobaadka soo socda.

Waxaa aad loo werinayaa in Vietnam ay mart-gelin doonto wada-hadalla xiga ee Trump iyo Kim.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa si tartiib ah u socday tan iyo markii Trump iyo Kim ay bishii June ee 2018 ku kulmeen magaalada Singapore.

XS
SM
MD
LG