Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Holaha Dowladda Maraykanka oo Dib loo Furay


cover
cover

Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay habeenimadii xalay heshiis ogolaanaya in dib loo furo hawlihii shaqo ee dawladda maraykanka oo hakad ku jiray.

Madaxweynaha ayaa ogolaaday in si ku meel-gaar ah, muddo saddex todobaad ah dib loo furo shaqadii dowladda. Talaabadan ayaa fursad u siinaysa shaqaalaha dowladda ee uu hakadku saameeyay inay dib u helaan mushaharkoodii.

Labada aqal ee golaha congresska Maraykanka ayaa sharcigan ansxiyay iyada oo uu madaxweynuhuna qalinka ku duugay.

Talaabadan ayaa si ku meel gaar ah u soo afjaraysa hakadkii ugu dheeraa taariikhada ee ku yimaada shaqada dowladda Maraykanka.

Sharcigan cusub ayaa ogolaanaya in ilaa iyo 15ka bisha dambe la fasaxo shaqada dowladda isla markaana la ansixiyo miisaaniyad ku filan, laakin sharcigan ayaa waxaa ka maqan miisaaniyadii uu madaxweynuhu codsaday ee lagu dhisi lahaa darbiga laga dhisayo xadka maraykanka iyo mexico, qodobkaasi oo ahaa mid uu madaxweyne Trump si aad ah ugu dheganaa.

XS
SM
MD
LG