Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Piatek oo ku biiray Milan


Piatek
Piatek

Kooxda AC Milan ayaa Arbacadi ku dhawaaqday saxiixa weeraryahankii kooxda Genoa Krzysztof Piatek kaas oo bedel u noqon doona Higuain.

Laacibkaan u dhashay dalka Pollan ayaa ku biiray Geona bishii July ee sannadki hore, 21 kulan oo uu saftay wuxuu dhaliyay 19 gool.

Milan waxay laacibkaan ku gadatay 25 milyan oo Yuruo, waxana uu saxiixay heshiis afar sana ah.

Piatek wuxuu doortay inuu xirto nambarka 19-aad, halka uu ka tagay nambarka 9-aad ee uu ka tagay gooldhaliyihi ka horreeyay ee Higuain.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warrantay in numberk-ka sagaalaad ee Milan uu noqday nambar aanan nasiib laheyn, kaddib marki ay ku wada fashilmeen laacibiinti xiratay wixi ka danbeeyay makri uu ciyaaraha ka fariistay weeraryahanki hore ee Milan Inzaghi.

Waxaa Inzaghi uga danbeeyay nambarka 9-aad, weeraryahannada kala ahHiguani, Andre Silva, Luiz Adriano, Fernando Torres, Mattia Destro,

XS
SM
MD
LG