Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Higuain oo ku biiray Chelsea


Gonzalo Higuain
Gonzalo Higuain

Kooxda Chelsea ayaa xalay lasoo wareegtay weeraryahanka reer Argentine iyo kooxda Juventus Gonzalo Higuain.

Laacibkaan 31-jirka ah ayaa Arbacadi ka tagay kooxda Milan oo uu si amaah ugu ciyaarayay tan iyo xagaagi lasoo dhaafay. Hadda wuxuu la midoobay tababarihii hore ee kooxda Napoli Maurizio Sarri oo iminka leyliya Chelsea.

Muddadi uu Milan u ciyaarayay oo aheyd lix bilood, waxaa uu dhaliyay wax ka yar 10 gool, 12-ki kulan ee ugu danbeysay ee uu kooxda u dheelay wuxuu saxiixay hal gool oo kaliyah.

Chelsea ayaa laacibkaan waxay kusoo qaadatay hadda amaah ah inta ka harsan xilli ciyaareedkan. Waxaa heshiiska qeyb ka ah in ay toos u iibsan karto haddii uu qanciyo xilli ciyaareedkan marka uu dhamaado, waxaana ay ku iibsan doontaa 36 milyan oo yuro.

XS
SM
MD
LG