Muslimiinta gobolka Ohio ee dalkan Mareykanka, ayaa billaabay hawlo samafal ah oo lagu taageerayo shaqaalaha dowladda Maraykanka ee ay saamaysay hakinta shaqada dowladda.
Shaqaalahan ayaan helin lacagtoodi mushaarka muddo bil ku dhow kaidb markii ay go’day miisaaniyadda dowladda.
Maalintii shalay ayay musliminta Ohio, oo Soomaalida ay ka mid yihiin, raashin u qaybiyeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Columbus.
Hadaba Xuseen Barre ayaa arrintan ka waraystay Sheekh Horseed Cayni Nuux oo ah maamulaha masjidka weyn ee Abubakar al Sidiiq, ahna afhayeenka dalladda masaajidda ee Ohio.