Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Wakiilada Somaliland oo waqtiga loo kordhiyey


Golaha Guurtida
Golaha Guurtida

Iyadoo dhawaanahan ay Somaliland ka taagnaayeen ismaandhaaf siyaasadeed oo la xidhiidha wakhtiga la qabanayo doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, ayaa Golaha Guurtidu maanta ay soo saartay go'aan ay muddo-kordhin ugu samaysay golaha wakiillada ee maanta jooga, taas oo ka dhigan in sannadkan gudihiisa la qabto doorashadooda.

Xisbiyada UCID iyo kULMIYE ayaa hore ugu heshiiyay in bisha November ee sannadkan doorashada la qabto.

Xisbiga Waddani ayaa isna sheegay in uu soo dhaweynayo in sannadkan gudihiisa doorashadu qabsoonto, hase ahaatee, aanu ogolayn in guddida doorashada ee xilligan joogaa uu qabto.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Golaha Wakiilada Somaliland oo waqtiga loo kordhiyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:18 0:00

XS
SM
MD
LG